About Us - Drivers Union

KALIGAA GAARI HAWADIN

Ururka wadayaasha APP waa halkan

 

Drivers-Union_photo.jpg

Ururka Darawalada ayaa guulo dhaxal gal ah u soo hooyiyay darawalada Uber iyo Lyft ee Seattle, iyagoo ku guulaystay heerarka shaqada ee qaranka hogaaminaya oo ay ku jiraan:

  • Fasaxa jirada ee la siiyo darawalada Magaalada Seattle - shaqaalihii ugu horeeyay ee dalka ka shaqeeya oo heli kara maalmo jiro oo mushaari ah – sidaa drteed qasab ma’ahan darawalada ay aadan shaqo iyagoo xanuunsan  inta lagu jiro cudurka faafa ee COVID-19.
  • Seatle Waxay hogaamisaa cadaalad u raadinta dhanka mushaar bixinta wadanka oo dhan, iyadoo hubinaysa in darawaladu kasbadaan mushaar nololeed kufilan Kharshkooda kadib.
  • Waa shaqaalaha wadanka ugu horreeya oo laga difaaco shaqo-joojin aan cadaalad ahayn iyo samaynta xarun lagu taageero darawallada isticmaalo app-ka.

RIIX HALKAN SI AAD U OGAATO XUQUUQDAADA

WAXAA NAHAY/UTAAGANAHAY/MATALNO

Ururka Darawalada waa codka Washington ee in ka badan 30,000 oo darwaliin ah kuwaas oo katirsan Uber iyo Lyft. Ka dib sanado aan u doodaynay si madax banaan, waxaan samaynay Ururka ay ku midaysan yihiin Darawaliinta si aan kor ugu qaadno cadaalada iyo hufnaanta warshadaha gaadiidka gaarka ah ee Seattle. 14 luuqadood oo kala duwan ayay ku hadlaan shaqaalaha ururka darawaliinta.

RIIX HALKAN SI AAD U OGAATO XUQUUQDAADA

Tan iyo markii la bilaabay Xarunta Kheyraadka Darawalada sanadkii 2021, Ururka Darawalada ayaa awood siiyay oo horumariyay nolosha kumanaan darawaliinta Uber iyo Lyft iyada oo loo marayo matalaad, wacyigelin, waxbarasho, iyo adeegyo kale oo taageero ah. Ilaa hadda waxaan gaarnay:

  • 17,003 xiriir oo lala yeeshay darawalada iyadoo lasiiyay waxbarashada ku saabsan guulihii dhawaa, adeegyada taageerada, iyo agabka
  • 327 dhacdo oo wacyigelin ah oo isku xirta darawallada tallaallada, PPE, faa'iidooyinka, iyo ogolaanshaha kaalmada
  • 1,806 Tababaro ku saabsan "Ogow Xuquuqdaada" oo loo qabtay darawalada iyadoon loo eegin xubinnimada darawalka ee ururka.
  • 4,658 darawalo ayaa galay Xarunta Kheyraadka Darawalada
  • 976 shaqo joojin aan cadaalad ahayn ayaa la aqoonsaday
  • 276 akoonnada darawallada ayaa dib loo hawlgeliyay si ay u soo celiyaan ilo dakhli iyo xasillooni maaliyadeed!

get updates